Wararka
Qaramada Midoobe, dowladaha Xubnaha ka ah Midowga yurub iyo Maraykanka oo si isku mid ah ugu hadlay howlgallada Turkiga ka wada Gobolka Kurdiyiinta.

Kumanaan shacab ayaa ka bara kacay duqeymo xaga xirka ah oo ay dowlada Turkiga ku beegsanayso dagaalamayaasha Kurdiyiinta Suuriya.
Dowlada turkiga ayaa ku dhawaaqday in ay talaabo Militari ka qaadayso kooxaha Kurdiyiinta ee ka dagaalama xaduudka Suuriya la wadaagto dowlada Turkiga waxaa uuna Turkiga ka aaminsanyahay Kurdiyiinta kuwa Lid ku ah amaanka dalka Turkiga isagoo galiyay Liiska waxa loo yaqaano Argagixisada.
Sidoo kale dowlada Turkiga ayaa Istiraatijiyad cusub ka maagan gobolka Kurdiyinta ee dariska la ah Turkiga waxaa ayna ka damacsantahay in ay xiryo ugu digta xaqooti kasoo jeeda Suuri oo gaaraayo 3.6 million .
Dowlada Maraykanka oo markii hore duulaanka garab kusiinaysay dowlada turkiga ayaa ugu baxday waxaa uuna madaxweynaha dalka Maraykanka ku dhawaaqay in uu kala dhex gali doona labada dhinac si xaalada loogu dhameeyo waan waan nabadeed.
Golaha amaanka ee Qaramada midoobe ayaa maalinimadii khamiista kulan ka yeeshay gantaalada iyo duqeymaha kala duwan ee Turkiga uu ku qaraacaayo Gobolka Kurdiyiinta waxaa ayna ka digeen in howlgaladaasi ay ka dhalan karaan cawaaqib xumi iyo barakac hor leh.
Qubura ka socda dowlada Britain oo adeegsanaayo aaladaha network-ga oo xarun ku leh Suuriya ayaa sheegay in ilaa iyo bilowgii howlgalada uu Turkiga ka wado gobolka Kurdiyiinta ay ku dhinteen 29- dagaalamayaal iyo 10-shacab ah.
Dowladaha Midowga reer Yurub ayaa iyaguna dhaleeceeyay howl galada uu Turkiga wado waxaa ayna kula dar daarmeen in Turkiga uu joojiyo weerarada uu ka gaysanaayo gudaha Gobolkaasi dhanka Galbeed ka xigo Suuriya balse madaxweyne Erdogan ayaa arinkaasi ku gacan seeray waxaa uuna sheegay in laba u’n midkood ay soo galaan in uu Joojiyo howlgalada oo uu albaabada u fura qaxootiga gaaraayo 3.6 million ayna magan galyo siiyaan ama in uu u helo dhul dadkaasi ay ku noolaadaa.
“haddaad doonaysaan inaan xagameyno howlgaladeyna waxaa idin furan aragti…waxaan furaynaa Albaabada waxaana idin soo direynaa 3.6 Million oo magan galyo doon ah” ayuu Yiri Mr. Erdogan.
Afar iyo tan hay’addaha Gargaarka bani’aadannimo oo ay kamid YIHIIN hay’addaha NRC (Norwegian Refugee Council) iyo Mercy Corps, ayaa iyaguna ka digay in boqolaal dad ahi ay naftooda qatar ku jirto.