Wararka

Qaramada Midoobay oo war kasoo saartay Xaalada Magaalada Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa looga hadlay Iska hor imaadkii saaka ka dhacay Muqdisho.

Beesha Caalamka ayaa ku baaqday daganaan iyo in ay is xakameeyaan dhinacyada ay quseyso shaqaaqoyinkii saaka ka dhacay Casimada dalka.

Qoraalka ayaa u qornaa sida tan”Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay aad uga walaacsan tahay iska horimaadyadii hubeysnaa ee Muqdisho ka dhaca xalay iyo saakay oo jimco ah, waxa ayna ugu baaqeysaa deganaan iyo is xakameyn dhinacyada ay khuseyso, waxa ayna boorrineysaa in ay furnaato waddada wadahadalka si loo yareeyo xiisadaha”.

Sidoo kale Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in loo baahanyahay in degdeg loo qabto kulan ay isugu yimaadaan Madaxda Dowlada Federaalka iyo kuwa Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka si ay heshiis siyaasadeed uga gaaraan hirgalinta qaabkii doorasho ee 17-kii Sebteembar.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close