Wararka
Qaar kamida madaxda dowlad goboleedyada dalka ee kusugan dalka Kenya oo la Kulmay Safiirka Maraykanka Ee Soomaaliya.
Qaar kamida madaxda dowlad goboleedyada dalka ee kusugan caasimada dalka Kenya ee Nairobi oo ay kamid yihiin Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta magaalada Nairobi kulan kula qaatay safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto.
Kulanka waxaa looga wadahadlay arrimaha Amaanka, Federaaliisamka, Dimuqraadiyeynta, maalgashiga , la dagaalanka argagixisada iyo Guud ahaan mashaariicda horumarineed ee dowladda Maraykanku ka caawiso Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ambassador Donald Yamamoto ayaa xusay in Dowladdaha xubnaha ka ah DFS, ay waxbadan oo horumar ah ka hirgeliyeen deegaanadooda, gaar ahaan xasiloonida, dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha amniga iyo nabadda, waxaana uu safiirku xaqiijiyey inay diyaar u yihiin wada shaqayn dhaba oo taabagasha.
Ugu dambeyn, madaxwaynayaasha ayaa dowladda Maraykanka uga mahadnaqay taageerada balaadhan ee ay ka helaan iyagoo soo dhaweeyey kulanka ay la yeesheen Ambassador Donald Yamamoto.