Wararka

Qaar kamida madaxda caalamka oo cambaareeyay weerar ay kooxda xutiyiinta ku qaadeen Sacuudiga.

Ilaa hadda macaddo nooca gantaal ee lagu weeraray garoonka balse waxaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen 26 ruux

Qaar kamida Hoggaamiyaasha caalamka ayaa cambaareeyay weerar ay maanta kooxda xutiyiinta ee ka dagaalanta waqooyiga dalka Yeman ku qaadeen garoonka Abha ee dalka Sacuudiga.

Ilaa hadda macaddo nooca gantaal ee lagu weeraray garoonka balse waxaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen 26 ruux oo shacab ah sida uu sheegay mas’uul u hadlay Boqortooyada.

Dowlada Baxreyn ayaa cambaareeysay weerarkaas iyadoo ku timaamtay in uu ahaa mid argagixisanimo ah kaas oo lagula kacay dad aan waxba galabsan.

Dowlada Kuweed ayaa ayna cambaareysay weerar kaas lala bartimaamedsaday garoonka waxaa ayna ku sheegtay in weerar kaas uu yahay mid danbi ah.

Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas ayaa sidoo kale cambaareeyay weerarka kooxda xutiyiinta ay ku qaadeen garoonka Abha sida uu soo wariyay talifishanka Al-Arabiya.

Dowlada Masar ayaa sidoo kale waxaa ay Cambaareysay weerarka kooxda xutiyiinta iyadoo sheegtay in kooxdaan ay tahay Qatar soo wajahday gobolka oo ay tahay in si deg deg ah wax looga qabta.

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Jordan ayaa isna cambaareeyay weerarkaas lagu qaaday garoonka waxaa uuna sheegay in dowlada Jordan ay garab taagantahay Boqortooyada.

Waxaa isasoo taraayo weerarada ay kooxdaan u gaysanayso boqortooyada Sacuudiga iyadoo bishii hore ay dowlada  Sacudiga sheegtay in ay soo riday gantaallo ay kooxdaan ku bartilmaamsanaysay magaalada Makka.Abha Airport map, Saudi Arabia

Abha airport Saudi Arabia

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close