Wararka
Qaar kamid ah Iskoolada ku yaallo Kismayo oo Albaabada la’iskuugu dhiftay.

Qaar kamid ah Dugsiyada wax laga barta ee ku Yaallo Magaada Kismayo ayaa maanta Albaabada la’iskuugu dhuftay kadib markii ay digreeto soo saartay wasaaradda waxbarashada dowlad goboleedka Jubbaland.
Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dawlad Gobaleedka Jubbaland ayaa si kumeel gaar ah u xirtay Dugsiyada kala ah Xalane iyo Aqoon-Bile oo ka mid ah Iskuulada ku yaalla Degmada Kismaayo.
Xiritaanka Iskooladaan ayaa lagu sababeeyay in ay baal-mareen habraacii waxbrashada sida lagu sheegay Tegreeto goordhawayd ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Waxbarashada Jubbaland Maxamed Ibraahim Maxamuud.