Wararka

Qaar kamid ah hoggaamiyaasha caalamka oo shirk u leh Berlin.

Hoggaamiyaha dalka Jarmani Angela Merkel ayaa soo dhawaysay dhamaan ka qayb galayaasha shirka caamaliga ah ee nabad u raadinta Libya kaas oo ka dhacaayo caasimada dalka Jarmani ee Berlin.

Dowlada Jarmani ayaa waddo dadaallo ay iskuugu kaynayso dhamaan dhinacyada isku haayo dalka Libya, kaas oo in muddo ah ay ragaadisay dagaalada sokeeya ee wakhtiga dheer qaatay.

Angela Merkel ayaa casuumtay hoggaamiyayaal ka kala socda dhamaan 12-dal, madax kasocota hay’addaha qaramada midoobe, Midoowga Yurub, Midowga Africa, Ururka Jaamacadda carabta iyadoo ay dadaaladaani uu soo dhaweeyay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobe Antonio Guterres.

Hoggaamiyaasha shirkaani ka qayb galaayo ayaa waxaa kamid ah, Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin, madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan, madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron, ra’iisal wasaaraha dalka Talyaaniga Giuseppe Conte, ra’iisal wasaaraha dalka Ingiriiska, Boris Johnson, xoghayaha dalka Maraykanka Mike Pompeo iyo madax kasocota dowladaha Imaaraadka, Masar, Algeria Shiinaha iyo Jamhuuriyada Congo.Participants attend the Libya summit in Berlin, Germany, Jan. 19, 2020, hosted by Chancellor Angela Merkel, seated in the center. To her right is United Nations Secretary-General Antonio Guterres.German Chancellor Angela Merkel, front right, speaks with French President Emmanuel Macron, front center, during a group photo…

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close