Wararka

Puntland oo Markale soo jeedisay in Shirka uu ku baqay Madaxweyne Farmaajo lagu qabto Muqdisho.

Madaxweynaha dowlad goboleedka  Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada maamulka Puntland.

Shirka Golaha Wasiirada oo uu Madaxweynaha ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland   Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa todobaadkan looga hadlay Doorashada Soomaaliya, Amniga deegaannada Puntland, xaaladda Gobollada iyo Degmooyinka, horumarinta Waxbarashada iyo ansixinta Hindise Xeereedka Goobaha Taariikhiga ah ee Puntland.

Madaxweynaha  Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Golaha uga warbixiyay xaaladda dalku marayo iyo dadaalka Dowladdu gelisay in la xaliyo oo laga heshiiyo tabashooyinka ka dhashay hirgelinta heshiiskii 17-ka September 2020.

“Dowladda Puntland marwalba kaalin muhim ah ayey ka qaadanaysa sidii dalku uga gudbi lahaa marxaladda uu ku jiro, waxayna soo jeedisay in ay muhim tahay in dhakhso shir la isugu yimaado oo lagu qabto Muqdisho madaama Hay’adda Dastuuriga ah ee DFS wakhtigoodu dhammaaday, Shirkuna u baahanyahay wakhti badan in la geliyo, Saamileyda Siyaasadda, Beesha Caalamka iyo dhammaan dhinacyada ay khuseysona ay halkaasi wada joogaan”.ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay xafiska maamulka Puntland.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close