Wararka
Puntland oo dib u egis ku wadda mashaariicda World Bank uu ka wado deeganada maamulkas.
Wasiirku-xigeenka Maaliyadda Dawlad goboleedka Puntland Cumar Xasan Fiqi ayaa habka online ka kaga qayb galay kulan looga had laayay dib u eegista mashaariicda World Bank uu ka wado Puntland.
Shirkan waxaa Wasiirka kala qab galay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Faysal Cabdulaahi Warsame Madaxda Xafiiska PFM Puntland Cabdulqaadir xaashi iyo masuuliyiin kale.
Intii lagu guda jiray kulanka ayaa Wasiirku-xigeenka Maaliyadda dowlad goboleedka Puntland Cumar Xasan Fiqi xog dheeraad ah ka bixiyay halka ay marayaan mashaariicda World Bank uu ka wado Puntland, saamaynta Cudurka Corona Virus iyo caqabadaha uu ku yeeshay mashaariicda ka socday Puntland.