Ciyaaraha
Niyadjab Barcelona oo xidig ee Ku raad joogeen idima rabo ku yiri.
Kabtanka kooxda Ajax ee Matthijs De ligt ayaa iska diiday in uu ku biro kooxda Barcelona inkasta oo ay kooxda reer Spain kooxdiisa Ajax kala heshiisay qiimo lacageed oo dhan 75milyan oo Euro ah si ay u hesho daafaca reer Holland ayaa soo jiitay indhaha kooxaha reer yurub kadib markii uu xili ciyaareed cajiib ah soo bandhigay.
Matthijs De ligt ayaa AJax kula guulaystay laba koob oo dalkiisa ah sidoo kale kooxda la gaaray semi-finalka tartanka champions league haatan waxa ay u muuqataa in ay Barcelona ku guulaystay tartankii ay ugu jirtay Matthijs De ligt sida laga soo xigtay wargayska SPORTS ayaa sheegaya in wakiilka xidiga ee Mino Raiola ku dhiiri galiyay in uu xidigu iska diido dalabka Barcelona.
Madaxweynaha kooxda Barcelona ee Bartomeu ayaa u safray Holland si uu xidiga ugu qanciyo in uu ku soo biro Barcelona sidii uu bilo ka hor u sameeyay saxiixa Frenkie Dejong laakiin markan wuu ku fashilmay PSG ayaa haatan ah kooxda hogaaminaysa tartanka loogu jiro saxiixa xidiga halka ay sidoo kale tartanka ku jiraan kooxaha Bayern munich iyo PSG kuwaas dalabyo fiican miiska u saaray xidiga inkasta oo uuna xidiga wali wax go’aan ah qaadan.