Wararka

Ninkii dilkii George Floyd oo markii ugu horeysay maxkamad ka soo muuqan doona.

Derek Chauvin, oo ahaa sargaal ka tirsanaa Booliska Minneapolis oo lagu xukumay heerka labaad ee dil ayaa maanta oo isniin ah lagu wadaa in uu maxkamad ka soo hor muuqda markii ugu horeysay tan iyo markii uu dilka u gaystay George Floyd oo ahaa madow.

Maxkamada degmada Hennepin ayaa lagu wadaa in abaara 12:45 p.m. marka ay u tahay dalka Maraykanka la soo taaga dilaaga arxanka daran ee Chauvin laba Asbuuc u’n kadib geerida Floyd oo dhacday 25 kii May.
Qareenka Guud ee Minnesota General Keith Ellison ayaa horey u sheegay in ay Derek Chauvin ku soo oogi doonaan dilka heerka labaad iyo seddexaad.

Seddex sargaal oo kale oo xaadir ahaa markii la dilaayay George Floyd oo lagu kala magacaabyo Tou Thao, Thomas Lane iyo J.A.Keung ayaa iyaguna lagu xukumay in ay garab siiyeen Derek Chauvin waxaana lagu wadaa in ay maxkamada horyimaadaan ka hor 29-ka June.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close