Wararka

Nin Ingiriis ah oo Maxkamada Gobolka Banadir ku xukuntay lacag gaarayso 7,000 oo dollar.

Maxkamadda G/Banaadir ayaa maanta Xukun Ku Riday Nin U Dhashay dalka  Ingiriiska kaa oo loo haysto khal-khal gilinta Amniga Goroonka diyaradaha ee  Aadan Abdulle Cusmaan (Aadan Cadde).

Ninkan oo lagu magacaba Andrew Braian ayaa maxkamadu waxa ay sheektay in ninkan laba ka mid ah qodobadii lagu soo eedeeyey lagu waayey islamarkaana lagu heley Qodobka 34-aad ee Xeerka Nabadgalyada guud ee dalka waxana lagu xukumay in uu bixiyo lacag gaareysa $7,000 oo doolarka Maraykanka ah.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa dhawaan u fariisatay Kiiska Andrew Braian oo la qabtay isaga wata  Agab Ciidan kana dhoofin rabay Goroonka diyaradaha ee Magalada Muqdisho waxana ninkan gacanta ku soo dhigay ciidamada amaanka Goroonka Muqdisho.

Ciidamada ilaalada Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa ninkan horaan ku qabtay isagoo watay  7 Khasnadood iyo Jaakadaha anay Xabbaddu Karin xili uu doonayey in uu ka dhoofo goroonka diyaradaha Aadan Cade ee magalada Muqdisho.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close