Wararka

Nin hubeysan oo xoog ku galay xaafad uu deggan yahay R/wasaaraha Canada.

Nin hubaysan oo ka tirsan milatariga dalka Canada ayaa la qabtay ka dib markii sida uu boolisku sheegay uu xoog ku galay albaabka xaafad uu deggan yahay ra’iisalwasaaraha dalkaasi Justin Trudeau.

Ninkaasi ayaa xalay gaari jiirsiiyay albaabka weyn ee laga soo galo Rideau Hall oo ah halka uu magaalada Ottawa ka deggan yahay ra’iisalwasaare Trudeau, ka hor inta aysan boolisku qaban.

Ninkaasi ayaa haatan la sheegayaa in uu baaritaaan ku socdo isla markaana dacwad lagu soo oogi doono.

Ra’iisalwasaaraha dalkaasi, Justin Trudeau iyo xubnaha kale ee qoyskiisa oo hadda deggan xaafaddaasi Rideau Hall ee ninka hubeysan uu xoogga ku soo galay ayaa ka maqnaa gurigooda.

Qoyska ra’iisalwasaaraha ayaa si ku meel-gaar ah u deggan xaafaddani maadaama haatan uu dayactir ku socdo gurigiisa rasmiga ah.

Booliska ayaa sheegay in ninkaasi hubeysan uu ka tirsan yahay milatariga dalkaasi isla markaana sida ugu dhakhsaha badan ay u shaacin doonaan magaciisa.

Waxa uu boolisku intaa ku daray in baaritaannada dhacdadasi ay iska kaashan doonaan iyaga iyo milatariga, isla markaana arrintaasi si weyn loo baari doono.

Sawirro laga soo qaaday albaabka kore ee laga soo galo xaafaddaasi ayaa muujinaya burbur xooggan soo gaaray ganjeelka laga soo galo xaafaddaasi, taasi oo ninkani uu ku dhuftay gaari uu watay, kaa oo isna ay boolisku sheegeen in uu burburay.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close