Wararka
Nin dhaqdo Yaxaaska oo kunool Australia oo uu ka dhintay yaxaaskiisa oo 70-sano jir ah + wax cajiib ah oo uu calooshiisa ka helay.
Beerilay Australian ah oo xanaanaysto yaxaasyada ayaa sheegay in qaliin uu ku sameeyay yaxaas uu isaga lahaa oo dhawaan ka dintay uu calooshiisa ka helay saxan weyn iyo dhagaxaan badan.
John Lever, oo ah milkii-laha yaxaaska lagu magacaabo M.J. oo ku nool beer ku taalo Coowonga, Queensland ayaa u sheegay warsidaha Australian Broadcasting Corporation in saxanka uu gaarayo 15-fiit dheerar ahaan.
Ninkaan beeralayda ah ayaa sawirada yaxaaska iyo sawirada saxanka laga soo saaray calooshiisa kusoo baandhigay baraha bulshada.
Lever ayaa sidookale wakaalada wararka ee ABC u sheegay in yaxaaskaas uu da’ahaan gaarayo 50 ilaa 70 sano jir waxaa uuna dhintay isagoo dagaal kula jiro yaxaas kale.
Booliska Queensland ayaa furay dacwad horay loogu soo gudbiyay waxa ayna Lever ka codsadeen in uu kusoo wareejiyo saxamada uu kasoo saaray caloosha yaxaaskaan.
Booliska ayaa sheegay in ay dacwad ay ka qoreen laba lamaane oo xarunta Booliska keenay kiis ah in ay la’sanyihiin dad kamida qarabadooda ayna ugu danbeysay deeganka Queensland.
Masuuliyiinta waaxda dalxiiska ee Australia ayaa sanadkii hore soo bandhigay yaxaskii ugu weynaa dalkaasi oo lagu cabiro 5 meter ama 16.4 ft.
Miisaanka yaxaaskaaas ayaa gaaraayay 600Kg waxaa uuna cimri ahaan jiray 60 sano waxaa uuna ahaa kii ugu weynaa ee laga soo saaro wabiga Katherine.