Wararka
Nin 150-KM masoofo gaarayso oo safar lugta ah ugu soo socdaalay si uu haddiyad u guddoonsiiya madaxweyne.
Nin lagu magacaabo James Ndei ayaa safar dhulk ah ugu soo socdaalay ismaamulka Nyeri oo 150-Km u jirta caasimada dalka Kenya ee Nairobi si uu haddiyad u guddoonsiiya madaxweynaha dalka, Kenya Uhuru Kenyatta.
Haddiyada uu ninkaan sida ayaa ah koofiyadihii guumaystihii Kenya uu xiran jiray taas oo caan ka ah Qaaradda Madoow (Africa). Koofidaani ayaa Qaaradaha Africa, Asia iyo qaybo kamid ah Barigga Dhexe laga xiran jiray qarnigii 19-aad iyadoo gaar u ahaan jirtay saraakiisha dagaalka.
Madaxweyne Jomo Kenyatta ayaa koofida helmet guddoonsiiyay awoowyada James Ndei kuwaas oo lagu kala magacaabo Shadrack Gathuni iyo xaaskiisi Deborah Mumbi sanadkii 1944 xili uu booqasho ugu tagay gurigooda.
James Ndei oo arbacadii safarkiisa kasoo bilaabay Tuulada Gitunduti ayaa rajaynaayo in uu la kulmo madaxweyne Uhuru Kenyatta si uu ugu wareejiyo koofida loo yaqaano (helmet) taas oo madaxweynihii xuriyada u horseeday Kenya ee Jomo Kenyatta uu siiyay awoowyadii James Ndei 75-sano ka hor.
Inkastoo waalidiintii James Ndei aysan hadda nooleen, waxaa munaasabadii haddiyadaasi lagu guddonsiinaayay joogay Oday lagu magacaabo Mzee Zakaria Mbogo Ributhi kaas oo ay da’diisu hadda galayso 100-sano waxaa uuna sheegay in markii uu madaxweyne Kenyatta uu haddiyadaasi siinaayay Shadrack Gathuni uu ahaa hoggaamiya diimeed waxaana haddiyadaasi lala guddoonsiiyay shan kale oo hoggaamiya diineed ahaa.
James Ndei ayaa sheegay in awoowyadiisa ay u sheegi jireen in madaxweyne Kenyatta uu marar badan soo booqan jiray gurigooda isagoo waliba wakhti badan ku bixin jiray in uu la qaato qoyska Shadrack Gathuni.
“Awoowyadeyda waxaa ay ii sheegi jireen in Kenyatta uu marar badan soo booqan jiray gurigooda iyo waliba in uu habeenno badan laseexan jiray” ayuu yiri James Ndei.
Ninkaan oo masaafo dheer soo jaray ayaa waxaa ay rajadiisu tahay in uu kulan la qaatao madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta balse ma caddo in ay kulmi doonaan iyo inkale.