Ciyaaraha

Naadiyada Arsenal iyo Chelsea oo isugu soo baxay final-ka Europa League.

Naadiyada Arsenal iyo Chelsea ayaa isugu soo baxay final-ka Europa League kadib guula ay xalay ka gaareen dhiggooda.

Kooxda Arsenal ayaa xalay ka badisay naadiga Valencia waxaa ayna ku qaraacday  isu geynta labada lug 7-3 halka naadiga Chelsea ay ku soo baxday gool ku laad ay kaaga badisay kooxda ka dheesha tartanka Bundesliga ee Eintracht Frankfurt.

Kooxaha Arsenal iyo Chelsea ayaa labadoodaba loo qoondeeyay 6,000 oo tikidh oo loogu talagalay finalka Europa League ee lagu qabanayo garoonka Baku Olympic Stadium kaas oo qaadi kara 68,700 oo ruux.

Naadiga Arsenal ayaa habeenimadii khamiista cabasha ka keenay qoondada yar ee tikidhyada ee loo qorsheeyay iyagoo ka muujiyay niyad jab sidoo kale waxa ay ugu digeen taageeerayaasheeda  kuwaas oo rabay in ay u safraan Azerbaijan.naadiga ayaa sheegay in marka laga soo laabanaayo garoonka Baku ay taageerayaasha ku qaadanayso £1,000 oo Euro ah calaa shaqsi.

Naadiga Chelsea ayaan wali dhankooda ka hadlin faahfaahinta qiimaha tikidhadooda wallow ay kooxda Arsenal sheegtay in ay wada hadal kula jirta Uefa oo ay waydiisanayso tikid badan waxaa ayna walaac ka muu jinaysaa in ay waayn doonta inta badan taageerayaasha kooxda kullanka final-ka ee dhici doona 29 bisha May.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close