Ciyaaraha

Naadiga Arsenal oo warsaxaafadeed kasoo saaray go’aankii kabtanka kooxda Koscielny

Kooxda Arsenal ayaa 29 cayaartooy ula safreyso dalka Maraykanka halkaas oo ay ugu qayb galiyaan cayaaraha dalxiiska xagaaga.

Kooxda Arsenal ayaa war-saxaafadeed kasoo sartay  go’aankii kabtanka kooxda Gunners, Laurent Koscielny, kaas oo diiday in kooxda uu ula safro dalka Maraykanka halkaas oo ay ku soo qaadan doonan dalxiiska xagaaga.

Kooxda ayaa warsaxaafadeedka ku sheegtay in go’aanka Laurent ay aad ugu xunyihiin waxaa ayna intaasi ku dartay in go’aankaas uu yahay mid ka hor imaadsan AWAAMIIRTOODA.Laurent Koscielny

Qoraal kooban oo lagu shaaciyay sida ay ugu xunyihiin go’aanka xidiga oo lagu daabacay barta Kooxda Arsenal oo aan la faahfaahin ayaa looqoray sidaan “waxaan aad noo niyad jabiyay Ficilkii Laurent,kaas oo kasoo horjeeda amaradeeyna”

War-saxaafadeedka ayaa intaasi lagu daray in naadiga uu xalin doona arrinkaa balse aan  wax faallo dheeri ah aan laga bixin doonin.”waxaan rajaynaynaa in dib loo xaliyo arrinkaan mana doonayna in aan wax faallo dheeri ah ka bixino waqtigaan” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Kooxda Arsenal ayaa 29 cayaartooy ula safreyso dalka Maraykanka halkaas oo ay ugu qayb galiyaan cayaaraha dalxiiska xagaaga.

Arsenal ayaa maanta u duulayso Maraykanka waxaa ayna kulankooda ugu horeeya 15-ka bishaan la qaadan doontaa naadiga Colorado Rapids. Kadib kooxda ayaa cayaarta xigta la qaadan doonta naadiga Bayern Munich waxaa ayna kuwada dheeli doonaan Magaalada Los Angeles sidoo kale waxaa ay la ciyaaridoonaan kooxda Fiorentina oo ay kuwada dheeli doonaan magaalada Charlotte.Tour squad, 2019

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close