Wararka

Muxuu yahay Qodobka ugu muhiimsan ee ay maanta ka shirayaan Golaha Wadatashiga Qaranka?

Diyaarinta habraacyada doorashada Golaha Shacabka ayaa ah qodobka ugu xasaasisan ka dib markii qaar kamid ah Guddiyadda doorashooyinka maamul goboleedyada

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa guddoominayay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xussen Rooble waxaana looga hadlayaa dardargelinta howlaha doorashooyinka, diyaarinta habraacyada doorashada Golaha Shacabka , raadinta dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka ee aan weli soo xeroonin iyo sidii horey loogu wadi lahaa doorashooyinka dalka ka bilowday.

Diyaarinta habraacyada doorashada Golaha Shacabka ayaa ah qodobka ugu xasaasisan ka dib markii qaar kamid ah Guddiyadda doorashooyinka maamul goboleedyada ay ka soo hor jeysteen habraacyada doorashada Golaha Shacabka ee ay shaaciyeen guddiga doorashada heer Federaal.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close