Wararka
Muwaadiniin Soomaaliyeed oo maanta dalka dib loogu soo celiyay.
Muwaadiniin Soomaaliyeed oo mudda ku xirnaa xabsiyada dalka Kenya kuwaas oo u badnaa kuwa ku jiray xabsiyada Magaalada Garisa ee ismaamulka Dalkaas Kenya ayaa lagu guulaystay in maanta dalka dib loogu sooceliya.
Muwaadiniintaan ayaa tiradooda waxaa ay garaysay 35 ruux oo iskuugu jira gabdha iyo wiilalba waxaa ayna ka warbixiyeen dareenkooda maanta kadib markii ay gasoo baxeen xabsiyadii ay ku jireen oo xuriyadoodi ay dib u heleen waxaa ayna u mahad celiyeen Dowlada federaalka oo gacan ka gaysatay siideyntooda.
Qansuulka Safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya Xabiib Mohamed Cigaal oo safarka dib loogu sooceliyay muwaadiniinta Soomaaliyeed kuwehlinaayay ayaa ka warbixiyay habkii ay u mareeyn siideeynta muwaadiniintaan isagoo sheegay ugu danbeyn in ay shalay dowlada Kenya ay u dhamaystireen dukumentiyadii lagu soo daynaayay muwaadiniintaan waxaa uuna dhalinyarada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka waan toobaan safarada sharci darada ah ee ay dalka dibadiisa ugu baxaan.