Wararka

Musharax xildhibaan  Cali Sheeq C/llaahi (Cali Afgooye) oo ku guulaystay kursi ka banaanaa golaha shacbka BF.

Musharax xildhibaan  Cali Sheeq C/llaahi (Cali Afgooye) ayaa  ku guulaystay kursi ka banaana golaha shacabka BF ee deegaan doorashadiisu ay tahay Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Musharax xildhibaan  Cali Afgooye ayaa helay 51-cod halka Musharaxii la tartamaayay uu wax cod ah helin. Musharax xildhibaan, Siciid Cusmaan Xussen ayaa goobta ka maqnaa sida ay xaqiijisay guddomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka  marwo Xaliimo Ismaaciil Ibrahim (Xaliimo Yareey).

Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed C/qaadir Shariif Sheekhuna maaye oo goobjooge ka ahaa ayaa u mahadceliyay guddiga doorashooyinka isagoo u hambalyeeyay xildhibaanka cusub waxaa uuna kula dardaarmay in uu u cadaalad fala shacabka uu matali doona dhabar adeegna muujiyo.

Musharax xildhibaan  Cali Sheeq C/llaahi (Cali Afgooye) ayaa ugu danbeyn ka hadlay goobta waxaa uuna u mahadceliyay dhamaan cuqaashii iyo dadkii kasoo qaybgalay madasha ay doorashada ka socotay. Cali Afgooye ayaa balan qaaday in uu si dhaw ula shaqayn doona shacabka reer Koonfur Galbeed. 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close