Wararka

Muqdisho oo lagu qabtay kulan loogu duceynaayay Duqii hore ee Muqdisho.

Kulan loogu Duceynaayay Allaha u Naxariistee Masuuliyiintii ku dhimatay Qarixii ka dhacay xarunta dowlada hoose ee Xamar 24/07/2019 ayaa Maanta lagu qabtay mu’asada Macalin Nuur ee Magalada Muqdisho.

Madasha waxaa ka soo qayb galay, Xildhibaano kamid ah Golaha Shacabka, Wasiiro, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ah Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) Gudoomiye ku Xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Marti Sharaf kale.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta xukuumadda federaalka Soomaliya Cusmaan Aadan Dhuubow oo kulanka duca Akhriska ka hadlay ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan ducada iyo Alla bariga ay danbi dhaafka iyo janada ugu weydiinayaan dhamaan marxuumiintii ku geeriyootay masiibadaasi.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ah Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) oo dhankisa kulanka ka hadlay ayaa ka warbixiyay muhiimada ay u leedahay xuskaan ay u sameeyeen Duqii hore ee caasimada Muqdisho.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close