Wararka
Muqdisho oo lagu dhaariyay Garsoore yaal Cusub oo maxkamadaha Gobolka Banadir ka mid noqonaayo.

Magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay Munaasabad lagu dhaariyay 21 ka mid ah Kaaliyeyaashii ku guulaystay tartankii loo galay jagooyinkan Kaaliyenimo ee Maxkamadda Sare iyo Maxkamaddaha derajada 1aad iyo 2aad ee Gobolka Banadir.
Kaaliyayaasha maanta la dhaariyey ayaa ka mid ah 50 Kaaliye oo ku soo guuleystay imtixaankii jagooyinka kaaliyenimo loogu tartamay. Sidoo kale, xubnahan ayaa la siiyey tababar 2 bilood ah oo lagu baray shaqada kaaliyenimo.
Munaasabadda lagu dhaarinaayey kaaliyayaasha cusub waxaa ka qeyb galay Guddoomiyeyaasha maxkamadaha Rafcaanka iyo Gobolka Banaadir , garsoorayaal iyo qaar kamida howlwadeenada maxkamadaha.
Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Garyaqaan Cabduqaadir Maxamed Xasan ayaa kaaliyaasha cusub kula dardaarmay inay waajibaadkooda si cadaalada u gutaan.
Ugu Dambeeyn Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir Garyaqaan Maxamed Axmed Cismaan oo munasabadda soo xiray ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay dhiirigaliyaan kaaliye walba oo si hufan u guta waajibaadka loo igmaday.