Wararka

Mugdisho oo lagu soo gaba gabeeyay Shirkii wadatashiga xeer-nidaaminta Gaadiidka Badda.

Waxaa maanta magaalada  Mugdisho ee caasimada dalka lagu soo gaba-baeeyay Shirkii wadatashiga xeer-nidaaminta Gaadiidka Badda oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda dekedaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya.

Kulanka waxaa ka qayb galay xildhibaanno kasocotay Guddiga howlaha guud iyo Gaadiidka Golaha shacabka,wasiir kuxigeenka wasaaradda dekedaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya Cismaan Mohamed Abdi, Xeer Ilaaliyaha guud ee Soomaaliya Dr. Ahmed Ali Dahir iyo masuuliyiin kasocotay maamul goboleedyada dalka.

Qaar kamid ah  Guddiga howlaha guud iyo Gaadiidka Golaha shacabka oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la daadajiyo xeer nidaaminta gaadeedka Soomaaliya si loo horumariga dhaqalaha dalka.

Wasiirk kuxigeenka wasaaradda dekedaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya Cismaan Mohamed Abdi, ayaa sheegay in shirkaan uu ku saabsanaa sidii loo horumarin lahaa xeer nidaaminta gaadeedka Soomaaliya waxaa uuna u mahadceliyay Xeer Ilaaliyaha guud ee Soomaaliya Dr. Ahmed Ali Dahir.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close