Wararka
Mudanayasha Golaha Shacabka BJF oo ansixiyay Miisaaniyadda 2021.

Mudanayaasha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Ayaa Ansixiyey Miisaaniyadda 2021.
145 Mudane Ayaa U Codeysey Wax Diiday Iyo Wax Ka Aamusay Majirin.
Wasirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumada federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducalle Bayle ayaa xildhibaannada golaha shacabka ugu mahad-naqay sida ay u ansixiyeen Miisaaniyadda 2021-ka.
“Waxa aan halkaan uga mahadcelinayaa Baarlamaanka Golaha Shacabka JFS oo maanta meel mariyay Miisaaniyadda Dowladda ee 2021-ka. Waxa aan sidoo kale u mahadcelinayaa masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda ee u soo dhabar adeegay shaqada iyo Isbadalka Maaliyadeed ee Dowladdu ku talaabsatay” ayuu yiri Wasir Bayle.
Sidoo kale Mudanayasha Golaha Shacabka BJF Ayaa Cod Wadar Ogol ah Ku Meel Mariyey Sharciga Nootaayoyinka Qaranka.