Ciyaaraha

Mohamed Salah oo taariikh ka galay naadiga Liverpool.

Mohamed Salah ayaa farxad ka muujiyey sheegayna inuu mar walba ka fikirayo sidii uu gool u dhalin lahaa kaddib markii uu xalay soo gabagabeeyey siddeed kulan oo uu gool la’aan ahaa.

Salah ayaa xalay taariikh u dhigay kooxda Liverpool kulankii ay 3-1 uga adkaadeen Southampton ee Premier League kaddib markii xiddiga reer Masar uu noqday laacibka ugu dhaqsiyaha badan ee Reds u dhaliya 50-gool oo horyaalka ah, wuxuuna u baahday oo qura 69-kulan si uu u dhaliyo 50-gool.

Salah ayaa malmahaa haysay abaar gool dhaliska xageeda ah isagoo shabaqa soo taaban tan iyo 9 bishii Febraayo, waana gool la’aantiisii ugu dheerayd tan iyo markii uu kooxda Reds kaga soo biiray Roma sanadkii 2017-kii.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close