Wararka
Meydka Marxuum Xuseen Ceelaabe Faahiye oo lagu aasay Muqdisho.
Waxaa manta magaalada Muqdisho ee caasimada dalka lagu aasay Allah u naxariistee Xuseen Ceelaabe Faahiye oo barxadda Isbitaalka Madiina lagula dukaday Salaadda Janaasada.
Aaska marxuumka waxaa ka soo qab-galay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Wasiirka Maaliyadda Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, qaar ka mid ah Xildhibaannada labada gole ee baarlamaanka, Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Saciid Xaaji Maxamuud Faarax, Danjireyeyaal, diblomaasiyiin, aqoonyahanno iyo shakhsiyaad caan ah iyo qaar ka mid ah qoyskiisa.
Allah u naxariistee Xuseen Ceelaabe oo ka mid ahaa lataliyeyaasha sare ee Siyaasadda Dibadda ayaa soo noqday Wasiirka 13aad ee Arrimaha Dibadda, sidoo kale waxaa uu soo qabtay xilalka wasiirnimo ee Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha, Daryeelka Naafada iyo Agoonta. Waxaa uu waqtigiisii nolosha ugu dheeraa uu geliyay Wasaaradda Qorsheynta Qaranka oo uu ka shaqa bilaabay isagoo da’yar ah, kana gaaray xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaasi, waxaa lagu xusuustaa dejinta Qorshayaasha Qaranka ee horumarinta iyo tirakoobka dadka.
Xuseen Ceelaabe Faahiye oo 82 sano-jir ahaa ayaa u geeriyooday dhaawac culus oo ka soo gaaray weerar ay gaysteen Al-shabaab oo ka dhacay meel u dhwo Taallada Daljirka Dahsoon kaas oo loo ageedsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay.