Wararka
Maydka Allah u naxariistee wasiirkii waxbarashada Jubbaland oo la keenay Kismaayo.

Maydka Allaha u naxariistee wasiirkii wax barashada iyo tacliinta sare ee dowlad goboledka Jubbaland marxuum Maxamad Ibraahim Maxamuud ayaa laga soo dajiyay garoonka Sayyid Maxamad Cabdulle Xasan ee magaalada Kismaayo.
Masuuliyiin sarsare oo ka tirsan dawlad goboleedka Jubbaland oo ay hor kacayaan madaxwayne Axmad Maxamad Islaam iyo labadiisa madaxwayne ku xigeen ayaa garoonka kusoo dhaweeyay Maydka Marxuumka.
Maydka Wasiirka ayaa lagu wadaa in loo gudbiyo qubuuraha Baar caleen ee magaalada Kismaayo halkaas oo lagu aasi doona.
Wasiirka oo la ildaranaa xanuun ayaa ku geeriyooday dalka Hindiya waxaana geeridiisa ka tacsiyayeey masuuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya.