Wararka

Maydka Allah u naxariistee Marxuum Danjire Xamuud Samraan oo laga dhoofiyay Muqadisho.

Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle ayaa maanta laga dhoofiyay Meydka Allah u naxariistee Marxuum Danjire Xamuud Samraan Aljowhari Alxuweydhi oo ahaa Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta iyo Madaxa Ergada Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya oo fiidnimadii xalay, 23 May, 2020 ku geeriyooday hoygii uu ka deganaa Caasimadda Muqdisho.

Masuuliyiin sar sare oo ka tirsan xukuumada federaalka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin wasiirka arrimaha dibada dowlada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Oomaar iyo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Sadiq Xirsi Warfa ayaa ka qayb galay salaada Janaasada ah ee lagu tugtay Marxuumka.

Ugu danbayn, diyaarad gaar oo daabulka howlaha caafimaad loogu talogalay ka qaaday garoonka caalamiga ah ee Aadan Cabdulle meydka Allah u naxariistee Marxuum Danjire Xamuud Samraan Aljowhari taas oo ka dejin doonta Sucuudiga si loogu aaso.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close