Wararka

Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida oo go’aan ka soo saartay Kiis nin loo haystay arrimo arga-gixisanimo.

Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida ayaa go’aan ka soo saartay Kiiska C/risaaq Xuseen Tahliil (Calool Geel) kaasoo labo jeer ay Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabaka Sida Puntland Puntland ku xukutay dil toogasho ah.

Ninkan ayaa caan ka ahaa degmada  Gaalkacyo waxaana lagu soo eedeeyay inuu ka tirsan yahay Al-Shabaab, kiiskiisa ayaana muran ka dhex abuuray degmada  Gaalkacyo ee u kala qeybsan maamulada Gelmudug iyo Puntland.

Dacwada Cabdirisaaq Xuseen Tahliil ayaa soo jiitamayay tan iyo dabayaaqadii July 2017,iyadoo ugu danbeyn ay kiiskaan lawareegtay  dowladda dhexe waxaana gacanta ku qabatay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Side ee fadhigeeda tahay Muqdisho.

Ugu dambeyn Maxkamadda Sare ee dalka ayaa amartay in la sii daayo, haddii aysan jirin dambiyo kale, balse waxaa ay Maxkamadda amartay in uusan ka bixi karin magaalada Muqdisho muddo labo sano ah. Maxkamadda ayaa sidokale fartay ciidamada in ay si gaar ah ula socdaan dhaq-dhaqaaqiisa ku dhawaad 5-sano iyo in uu todobaadkiiba mar iska diiwaan geliyo Xarunta Dambi Baarista Boliiska CID, sida uu u sheegay warbaahinta guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida jenaraal Liibaan Cali Yarow.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close