Wararka
Maxkamadda Gobolka Banaadir oo go’aan ka gaartay eedeyn loo soo jeediyay wariye ka tirsan warbaahinta Goobjoog.
Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta go’aan ka gaartay eedeeyn loo haystay wiriye ka tirsan warbaahinta Goobjoog iyadoo ku amartay in wiriye Cali Aadan Muumin lagu sii hayo xabsiga ilaa uu ka dhamaanayo Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare.
Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Soomaaliya ayaa dacwad ka gudbisay iyado ku eedeysay in uu faafin rabay Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare kadib markii uu fashilmay imtixaankii hore.
Weriyaha ayaa looga yeeray xarunta CID-da, halkasoo lagu xiray shalay markii uu tegay, waxaana lagu wadaa in xoriyadiisa dib loo siiyo Khamiista Berri gelinka danbe oo imtixaanka dowladda uu dhammaan doono.
dhanka kale warbaahinta Goobjoog oo ah warbaahinta uu katisanyahay wariye Cali Aadan Muumin ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay ku qayaxayaan dareenkooda ku aadan go’aanka maxkamada waxaa ayna ku eedeeyay go’aankaas in uu yahay mid lid ku ah shaqada war-baahinta madaxabanaan.
Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka ka ay soo saaraty war-baahinta Goobjoog: