Wararka
Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda oo ku dhawaaqday xiliga ay dib u bilaabanayso dhagaysiga kiiska muranka badda.
Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee fadhigeedu yahay Magaalada Hague ee dalka Netherland, ayaa shaacisay xilliga ay dib u billaabeyso dhageysiga kiiska Soomaaliya ay u gudbisay ee ka dhanka ah Kenya.
Dacwaddan la xiriirta muranka dhanka xuduudda badda ayaa soo socday muddo dhan 10 sano, waxaana maxkamada caalamiga ah ee cadaaladda ee loo soo gaabiyo (ICJ) loo gudbiyay kiiskaan xiligii dowladii madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.
Murankaan ka dhashay cabbirka xadka badda ayaa dhaliyay Khilaafka diblumaasiyadeed oo u dhaxeeyo labada dal.
Dowlada Soomaaliya ayaa dooneyso in cabbirka xadka badda si toos ah loola dhiririyo xadka dhulka, halka Kenya ay dooneyso in la weeciyo.
War qoraal ah oo ka soo baxay maxkamada ICJ ayaa lagu muddeeyay in 9-ka illaa 13-ka bisha September ay dhageysan doonto doodad labada dhinanac ee xuduudda badda.
Maxkamada ayaa Dhageysiga u qaybisay laba wareeg oo afar maalmood gudahood ku dhici doonta, waxaa ayna kala yihiin:
Wareega koowaad.
Isniin 9 bisha September 2019 abaara 10 a.m illaa 4.30 p.m, waxaa doodooda la dhagaysan doonaa qareenada dowlada Soomaaliya ka socda.
Arbaco 11-ka bisha September 2019 abaaro 10 a.m. illaa 4.30 p.m la dhagaysan doonaa dooda qareenada ka socda dowlada Kenya.
Wareegga labaad.
Khamiista 12-ka bisha September 2019 abaaro 3 p.m. galabnimo ilaa 6 p.m galabnimo waxaa la dhagaysan donaa qareenadan Soomaaliya.
Jimcaha 13 September 2019 abaaro 3 p.m. galabnimo ilaa 6 p.m galabnimo waxaa la dhagaysan donaa qareenadan Kenya.
Baaxadda uu ku fadhiyo badda lagu muransan yahay waxa uu gaarayaa ilaa 100,000km oo isku wareeg ah.
Waregi koowaad ee dacwada badda waxaa guulaystay dowlada Soomaaliya iyadoo uu madaxweynaha maxkamada caalamiga ah ee cadaaladda uu ku dhawaaqay in aysan qancin cadeemaah ay soo gudbiyeen qareenada ka socday dowlada Kenya 2 badii bishii 2baad 2017-kii.
Haddaba hoos ka daabaco wareegtada kasoo baxday Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda: