Wararka

Maxkamada Darajada Koobad ee Gobolka karkaar oo xukun ku riday dhalinyaro lagu soo eedeyay in ay furteen batariyaasha ku shaqeeeya tamarta cadceeda

Cidamada amaanka magaalada Qardho ayaa  hoolgal aay sameeyeen waxaa aay ku soo qabqabteen dhallinyara sidda aay sheegeen ku howlanaa furashadad batariyasha leerrarka tamarta cad-ceeda kuu shaqeeya oo inta badan ifiya xaafaddaha magaalada Qardho oo qayb wayna ka qaato amniga, isusocodka iyo ganacsiga magaalada.

Qaar kamida  ah dhalinyarada ayaa lamaha amniga iyo maamulka degmada  ku hor qirta in aay furteen batariyaasha illaa lix baalo.

Talliyaha Saldhiga degmada Qardho Saciid Xirsi Ibraahim ayaa sheegay in aay ku raad jogeen soo qabashada dadka cadaystay labixidda batariyada ku  shaqeeyo cad-ceeda waxaa siddoo kale goobta ka hadlay taliyaha qaybta Booliiska gobalka Karkaar Ahmed Yuusuf Muuse oo dhalinyarada ugu digay in aay fallal noocaan lamida sameeyaan oo aay ku mutaysan karaan sannada dheer oo xabsi ah.

Ugu danbeeyntiina dhallinyaradaan ayaa la hor geeyay maxkamadda darajada koowaad ee magaaladda Qardho. xafiiska xeer illaalinta ayaana ku soo eedeeyay in aay sameeyeen  xatooya dadwayne.

Goddomiyaha Maxkamada Darajada Koobad ee Gobolka karkaar ayaa ku dhawaaqay xukunka maxkamada.

Muxiyaddiin Farax Maxamuud, Maxamed Cismaan  Salad, Saciid Ali Geedi, Nuuradiin Bashiir Maxamed iyo Ramadhaan Cabdi Xusseen oo ah dhamaan eedeysanayaasha loo haysta in aay furteen batariya ku shaqeeya cadceeda ayeey maxkamaddu ku xukuntay min 15-sanno oo xarig ah, $1000 oo ganaax ah iyo $800O oo ah khasaarihii batarigii aay furteen dhamaantoot.

Xukunkaan ayaa kusoo adaye xilli dadka shacabka ee ku dhaqan degmada Qardho aad ugu cabanayaan dadka furta batariyadda ku shaqeeya cadceeda ee habeynkii ifiya xafadaha magalada Qardho.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close