Wararka
Maxkamada CQS oo u fariisatay dhagaysiga kiis la xariira nin loo haysto in uu qaraxyo badan ka fuliyay Muqdisho.

Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa Maanta dhageysatay Gar maqalka Mustaf maxamed Xuseen, oo Al-shabaab uqaabilsanaa Qaraxyada lagu xiro Gawaarida, kaas oo horay usoo dhameystay 5sano oo xabsi ciidan ah kadibna dib uga biiray Al-shabaab.
Waxaa maanta maxkamada ciidamada Qalabka sida la soo hor taagay eedeysano loo haysto in uu qaraxyo badan ka fuliyay caasimada Muqdisho oo lagu magacaabo Mustaf Mohamed Xussen.
Qareenada udoodayey eedeysanaha iyo Xeer ilaalinta Maxkamada ayaa is dhaafsaday Dood la xiriirta Dambiga loo heysto Mustaf iyo qaabka loo wajihi karo.
Gaashaanle Muumin Xuseen Cabdulaahi, ku xigeenka Xeer ilaaliyaha guud ee Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa sharaxad ka bixiyay cadeymaha lagu helay eedeysane Mustaf.
Xeer ilaaliyaha guud ee maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Jenaraal Cabdulaahi Buule Kamey ayaa Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Ka Dalbaday in eedeysane Mustaf lagu xukumo Xabsi Daa’im.
Balse Qareenada udoodayey eedeysnaha ayaa maxkamada ka dalbaday in loo Naxriisto.
Sidoo kale maxkamada CQS ayaa dhageysatay Dacwada nin la shaqeynayey Mustaf Maxamed Xuseen, oo Al-shabaab uqaabilsanaa Qaraxyada, kaasi oo mustaf bajaaj uga keeni jiray Qaraxyada.
uga dambeyn waxaa fadhiga maxkamada soo xiray Godoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute.