Wararka

Maxkamada Ciidamada Qalbka Sida oo baaris ku wadda Muusuq laga sheegay in uu ka jiro Xerada Beli Doogle.

Maxkamada Ciidamada Qalbka Sida ee Soomaaliya ayaa baaraysa kiisas Muusuq maasuq ah oo ka dhacay Xerada Beli Doogle ee Gobolka shabeellada Hoose.

Godoomiyaha maxkamada Darajada koowaad ee Ciidamada Qalbka Sida G/S/Xasan Cali Nuur Shuute oo ay la socdaan Xeer ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka sida iyo saraakiil kale ayaa Booqasho ku tagay Xerada Bela doogle oo Xarun u ah Ciidamada Sida Gaarka ah U tababaran ee Danab.

Socdaalka Saraakiishan ayaa la xiriira u Guur galida Dayac maamul iyo agab in uu jiray, iyadoo dhibaatadaas laga duulayo ayaa Dowlada Soomaaliya Dhawaan u saartay Gudi baaris ah oo soo xaqiijiya kiiskaan.

Xeer ilaaliyaha Guud Ciidamada Qalabka sida oo uga horeyn hadalka qaatay ayaa sheegay in Maxkamada la horgeynayo cidii lagu hela lunsi agab iyo wax is Daba marin.

Godoomiyaha Maxkamada Darajada koowaad ee ciidamada Qalabka sida G/S/Xasan Cali Nuur Shuute ayaa balan qaaday in markuu dhamaado baaritaankaan Natiijada ka soo baxda ay Go,aan kaga gaari doonaan Xerada Dhexdeeda.Image may contain: 3 peopleImage may contain: 5 people, people smilingImage may contain: one or more people, people standing, sky and outdoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close