Wararka
Maxay tahay qiimeynta xisaabta iyo akhriska ee Waxbarashada aas aasiga?
Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa qabatay kulan looga doodayo dejinta iyo hagaajinta Aaladaha (tools) lagu qiimeynayo awoodaha xisaabta iyo akhriska ee ardayda fasallada hore ee Dugsiga Hoose, kaasi oo ay kasoo qeybgaleen Shaqaalaha iyo lataliyeyaasha waaxaha wasaaradda Waxbarshadda.
Kulanka oo socday muddo (5) maalin ayna soo qaban-qaabisay waaxda Tayo-dhowrka iyo Halbeegyada ayaa qeyb ka ah dadaalka ay wasaaradddu ugu jirto mideynta iyo hogaaminta dhammaan qiimeynta ardayda iyo abuurista halbeegyo mesha ka saaraya isla xisaabtan la’aanta arimaha qiimeynta.
Kulanka ayaa laga soo saaray halbeegyadii (Standards), aaladihii (tools) lagu qiimeyn lahaa ardayda dalka oo dhan, taasi oo gacan ka geysan doonta in wasaaradda Waxbarshadda horumariso manhajka, tababaridda macallimiinta iyo go’aan ka gaaridda waxyaabaha aan saameynta togan ku lahayn Sare-u- qaadista tayada, xirfada iyo aqoonta ardayda Soomaaliyeed.