Wararka
Maxakamada Magaalada Hargeysa oo Xabsi Dheer Ku xukuntay Wariye Coldoon.
Maxkamad ku taalla Magaalada Hargeysa ayaa wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon ku xukuntay xabsi dhan Sadex Sano iyo lix Bilood
Garsoorayaasha maxkamadda ayaa sheegay in suxufi cabdi maalik coldoon lagu helay aflagaaddo madaxweyne iyo in uu sumcad dil u gaystay iskuul lagu magacaabo abaarso oo ku yaalla somaliland.
Xukunka weriye coldoon ayaa dhowr jeer oo hore dib loo dhigay kadib markii maxkamaddu dalbatay in la soo dhammaystiro dacwadaha loo haysto oo la xiriiray in uu maamulka muuse biixi dhaliilay iyo in uu wax ka sheegay sawirro laga qaaday iskuulka abaarso oo anshax-xumo muujinaya.
Wariye Coldoon ayaa laga qabtay Magaalada Burco ka dib markii uu ka laabtay Jigjiga , maaha Markii Koowad ee Maxkamadi Xukunto Wariyaha Waxana Marar hore lagu Soo Eedeyey Isla eedamayaha Hada loo Haysto Qaar ku kacay.