Wararka

Maxakamad ku taalla newzealand oo amartay in baaritaan xaga maskaxda lagu sameeyo ninkii geystay weeraradii ka dhacay 2-masaajid oo ku yaalla newzealand.

Ninka loo heysto in 50 qof oo muslimiin ah ku laayay masaajid ku yaala magaalada Christchurch ayaa lagu amray in uu maro baaritaan caafimaad oo dhanka maskaxda ah.

Waxaa tijaabo ka qaadi doona xeeldheerayaal xagga caafimaadka miyirka ah si loo ogaado in uu wajihi karo xeerbeegti dhagaysan doonta dacwadda loo heysto ee dil wadareedka.

Ninkan oo ku jira xabsi ayaa kasoo muuqday maxkamad isaga oo lagu soo xiriiriyay qalabka la’iska arko, waxaana maxkamadda wada fadhiyay ehelka dadkii uu laayay.

Brenton ayaanan wax hadal ah ka oran dhagaysiga dacwadda, balse aad u dhagaysanayay, ma uusan arki karayn dadkii maxkamadda fadhiyay.Waxaa markale maxkamadda loo balamiyay 14 ka April.

Waxaa hadda lagu hayaa xabsiga Auckland ee Paramoremo, halkaas oo la rumeysanyahay in uu yahay xabsiga ugu adag New Zealand.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close