Ciyaaraha
Maxaalaga bartay finalkii xalay Liverpool vs Spurs.
Kooxda Liverpool ayaa guul ka gaadhay kooxda Tottenham kulanka ka dhacay garoonka Estadio wanda Metropolitan kulan ka tirsanaa finalka Champions league xili ciyaareedkan.
Goolal ay dhaliyeen Mohamed Salah iyo Divock Origin ayaa Reds ku hogaamiyay ku guulaysiga Champions league-gii 6-aad ee taariikhdooda iyo midkii ugu horeeyay tan ilaa 2005.
Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa xogta iyo xaqiiqooyinka laga diiwaan galiyay kulanka
1-liverpool ayaa ku guulaytay champions league markii 6-aad ee taariikhdooda waana kooxda ugu badan ee sidaas samayssay kooxaha premier league iyada oo ay kooxda ugu dhaw ku guulaystay 3-kuwaas oo ah Man United.
2-Jurgen klopp ayaa ah tababarihii 4-aad ee Liverpool kula guulaysta champions league kadib tabarayaasha Bob Paisley , Joe Fagan iyo Rafa Benitez.
3-Divock Origin ayaa ah xidigii 2-aad ee reer Belguim ah ee dhaliya gool final champions league ah kadib Yannick Carrasco kaas oo dhaliyay finalkii Atletico Madrid vs Real Madrid ee dhacay 2016.
4-Mohamed Salah ayaa noqday xidigii 4-aad ee Africa ka soo jeeda ee dhaliya gool finalka champions league kadib Samuel Eto’o Didier Drogba iyo Sadio Mane.
5-goolkii uu Salah ka dhaliyay Spurs ayaa ah goolkii 2-aad ee ugu deg-dega badnaa taariikhda champions league isaga oo shabaqa soo taabtay 1:48 isaga oo ka dambeeya goolkii Paolo Maldini ka dhaliyay Liverpool 2005 kaas oo uu dhaliyay 00:50.
6-Trent Alexander –Arnold ayaa noqday xidigii ugu da’da yaraa ee ciyaara finalka Champions league laba xili ciyaareed oo xidhiidh ah isaga oo jira 20sano iyo 237maalimood.