Wararka

Maxaad kala socotaa seddexda Qodob ee uu cabsida weyn ka muujiyay Madaxweynaha Puntland?

Madaxweynaha maamulka Puntland Sacdiid Cabdullahi Deni oo xalay la hadlay dadweynaha Soomaaliyeed ee daafaha caalamka Jogga ayaa banaanka soo dhigay qodoba badan oo dahsoonaa.

Seddex qodob oo aan kala soo dhexbaxnay Khudbaddii Sacdiid Cabdullahi Deni ayaa muujinaayo heerka ay gaarsiisaneed kala aragti duwanaanshaha dowlada federaalka iyo maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland.

Qodobka 1-aad.

Inkastoo Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug uu ka dhacay shirar badan oo looga hadlaayay khilaafka dowlada iyo qaar kamid ah dowlad goboledyada u dhaxeeyo haddana Madaxweynaha Puntland Sacdiid Cabdullahi Deni waxaa uu soo qaatay shirkii Dhuusa-mareeb 2 kaas oo uu sheegay in uu ahaa kulankii ugu horeeyay ee dhexmara isaga, madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islam.

Sacdiid Cabdullahi Deni waxaa uu sheegay in kulankaas oo saacada badan qaatay oo ay wax badan ku gorfeeyeen uuna ku soo dhamaaday isfaham ka dib markii uu Axmed Madoobe ka codsaday in uu iska hilmaamo wax kasto oo tabasha ah oo horay u jiray.

Balse markii la soo afjaray shirkii Dhuusamareeb 2 oo ay warbaahinta horyimadeen madaxda dowlada federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada xubnaha ka ah DFS ayuu sheegay in madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu marin habaabiyay wixii looga hadlay shirkaas ka dib markii uu shaaciyay in wax kasto oo ay isla gareen uu u gudbin doona Baarlamaanka taas oo uu Saciid Cabbdullahi Deni ku tilmaamay in ayba sabab u noqotay in codka kalsoonida lagala noqday Ra’isal wasaarihii hore ee dalka.

“Madaxweynaha waxaan u sheegnay in aan si dhab ah kala shaqaynayno in dalka marxaladda uu ku jiro laga saaro oo doorasha lagaliyo waliba si hoose” ayuu yiri Sacdiid Cabdullahi Deni.

Isaga oo hadalkiisa siiwato ayuu yiri ” Meeshii aan ka sugaynay in madaxweynaha uu go’ankaa nala qaato, wuxuu ku gal-gashay khudbadiisi, wuxuu mugdi galiyay shirkii, wuxuu markii danbe ku soo gaba-gabeeyay waxaan kula noqon doonaa Barlamaanka isaga oo dadka u muujinaayo in uu qoslaayo balse ay ka muuqatay Caro fara-badan”

Qodobka2-aad.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Sacdiid Cabdullahi Deni ayaa sidoo kale cabsi weyn ka muujiyay in xukuumada Villa Soomaaliya aan la’isku halayn karin. Waxaa uu tilmaamay in marka ay Xamar ku shirayaan la yirahdo Cunta ma cuni kartaan sabab la xeriirta suurta galnimada in loo sumeeyo.

“Magaaladda Xamar Haddii laga was-wasay oo la yiri Cuntadeeda ha cunin oo sunbaa ku jirto, waa lagu dilayaa War Umad argagax ku jirto! Ma Al-shabaab baan ka baqnaa Mise Villa Soomaaliya?

Qodobka 3-aad.

Madaxweyne Sacdiid Cabdullahi Deni oo inta uu hadlaayay ku soo cel-celiyay in uu ka waramaayo xaaladda saxda ah ee taagan ayaa daaha ka qaaday sababta keentay in Puntland ku gacan seertay shirkii madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu ku baaqay in lagu qabto Garowe.

Sacdiid Cabdullahi Deni ayaa qiray in uu cabsi weyn ka muujiyay in madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya la yimaado Garowe Ciidamada Gaarka ah ee Gor Gor kuwaas oo uu sheegay in ay yihiin kuwa naxariislaawayaal ah.

“Madaxweynaha waxaa uu leeyahay Ciidamadayda, Runta baan idin sheegayaa ee waxaa uu yiri Garowe hala yimaado, Maya Lama imanaayo anigaa iri waayo lafahayna baanba ugu baqnay” ayuu yiri Sacdiid Cabdullahi Deni.

khudbaddii uu xalay jeediyay Sacdiid Cabdullahi Deni waxaa ka falceliyay shacabka Soomaaliyeed kuwaas oo ku tilmaamay mid kaga sii darayso xaaladda uu dalka hadda maraayo.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close