Wararka
Maxaa looga hadlay shirka Amniga Galm?
Halkaan ka akhristo wax badan oo looga hadlay shirka Amniga Galmudug
Ku simaha madaxweynaha Ahna Madaxweyne ku xigeenka Dowlada Galmudug Mudane Ali Dahir Ciid ayaa Shir Gudomiyay Shirki Amniga Galmudug oo ka dhacay Xarunta madaxtooyada Galmudug.
Shirkan oo ay ka so qayb galeen qaybaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida Iyo Amisom, Booliska, iyo Nabad sudiga, ayaa waxaa awood lagu saray sugida Amniga Galmudug iyo Howlgalo rogaal celin ah oo lagu qaado kooxda Al shabaab.
“ Ciidamada Qalabka sida ee Somalia iyo kuwa Galmudug waxay maalmahan so socda qaadi doonan guluf kaas oo ay Galmudug uga si fayn doonan Alshabaab “ ayu yiri Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Ali Dahir Ciid.
Madaxweynaha ayaa sido kale u mahadceliyay Madaxweynaha Puntland Siciid Dani oo xili loo bahna garab istaagtay Galmudug waxana u intaasi ku daray in Galmudug iyo Puntland iska kaashan doonan la dagaalanka Al Shabaab.
Ugu danbeyn Madaxweyne kuxigeen ayaa u mahaceliyay Shacabka Gobolka Mudug sida ay isku garab istaagen Ciidamada Qalabka sida sido kale waxa uu ugu baqay Shacabka Gobolka Galgaduud iyo Guud ahaan Galmudug in Ciidamada la Garab is taago.