Wararka
Maxaa ka soo baxay shirka isbedelka horumarinta waxbarashada” ee waddamada Soo koraayo?

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare XFS, Eng Cabdulaahi Abuukar Xaaji, ayaa Magaalada Paris ee wadanka France uga qayb galay kulan caalamku uga wada hadlayo “isbedelka horumarinta waxbarashada” wadamada soo koraya ee ay Soomaaliya ka mid tahay, Shirkaasi oo socday muddo 3 maalin ah ayaa horudhac u ahaay diyaarinta doodaha kobcaya ee ku saabsan qaabeynta horumarinta waxbarashada, iyo nuxurka bilowga ah ee Shir-madaxeedka Qaramada Midoobay ee ka dhici doona New York Sebtembar 19, 2022.
Ujeedada shirkaas ayaa ah abaabulka hamiga siyaasadeed, waxqabadka, xalalka isbedelka lagu haminayo, si wax looga beddelo qaabka horumarinta waxbarashada dunida soo koreysa.
Kulankaan waxaa qayb ka ah shirar farsamo oo wasiirada waxbarashada dalalka ka faaiideysta sanduuqa dhaqaalaha barnaamijka GPE ( Global Partnership for Education) uga wada arinsanayeen qaabka ugu wanaagsan ee loo horumarin karo waxbarashada wadamadan, sidoo kale ayey is weydaarsanayeen xaaladaha ay ku sugan tahay waxbarashada wadamada ay ka kala socdaan.
Wasiirka Waxbarshadda ayaa intii uu joogay malagaada Paris ee xarunta Hey’adda UNESCO ee magaalada Paris kulan doceedyo Kula yeeshay Qaar lamida wafuuda Caalmiga ah ee ka qeyb galeysa Shirka isaga oo la wadaagay barnaamijyada hortabinta u leh Wasaaradda Waxbarashadda ee lagu horumarinaayo Waxbarshadda dalka.




