Wararka
Mataqanaa Xayawaankii ugu horeeyay ee Corona laga helo?
Xayawaano Dhowr ah oo nooca gorilla ah oo ku xaraysan beerta San Diego Zoo Safari Park ayaa laga helay cudurka loo yaqaan ‘coronavirus’ taasoo la rumaysan yahay inay tahay kiisaskii ugu horreeyay ee la og yahay in noolaha noocan oo kale ah ee Maraykanka iyo adduunka oo dhan uu ku dhaco.
Agaasimaha beerta, Lisa Peterson, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press Isniintii in sideed gorillayaal ah oo ku wada nool beerta la rumaysan yahay inay qabaan fayraska Tira kalena ay qufacayeen.
Waxay u muuqataa in cudurka uu ka yimid xubin ka mid ah kooxda daryeelka duurjoogta ee beerta San Diego Zoo Safari Park oo isagana laga helay fayraska laakiin balse waxaa u xirnaa maaskaro marwalba oo uu joogi jiray agagaarka gorillayaasha. Beertan ayaa ka xirneed dadweynaha tan iyo 6-dii bishii December taas oo qayb ka aheed dadaalada lagu xakamaynaayay faafidda coronaviruska ka dib go’ankii ka soo baxay xafiiska gobolka Kalifoorniya ee lagu xakameynayo kiisaska coronavirus.
“Dhakhaatiirta xoolaha ayaa si dhow ula socda gorillayaasha waxayna ku sii nagaan doonaan hoygooda beerta. Waqtigaan la joogo, waxaa la siinayaa fiitamiino, dareere iyo cunto laakiin ma lahan daaweyn u gaar ah fayraska”ayuu yiri Peterson.