Wararka
Masuuliyiinta ka tirsan dowlada oo ka qayb gashay Aaska Amb. Ciise Cali Ciise Dheere).
Allaha u naxariistee waxaa saaka Muqdisho ku geeriyooday Amb. Ciise Cali Maxamed oo ku magac dheeraa (Ciise Dheere), kaas oo ahaa diblumaasi ka tirsanaa wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Soomaaliya.
Marxuumka oo maalmihii dambe ku xanuunsanaa magalada Muqdisho ayaa saaka geeriyooday, waxaana aaskiisa ka qayb galay Raisul Waraare ku-xigeenka XFS, Wasiirka Arrimaha dibadda, Wasiirka Aminiga, Raisul Wasaarihii hore Soomaaliya, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, xildhibaano ka tirsan labada gole, ugaasyo, wax garad iyo Madax kale.
Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee BFS oo ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Ambassador Ciise Cali Maxamed (Ciise Dheere) ayaa ku sifeeyay marxuumka in uu ahaa waddani u soo shaqeeyay dalka muddadii uu noolaa isagoo Ebba ugu baryay in uu Janadiisa ka waraabiyo.
Sidoo kale waxaa geeridiisa ka tacsiyeeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka ah Soomaaliya iyo kuwa horey xilal uga soo qabtay dalka, iyaga oo Alle uga baryey inuu ka waraabiyo Jannatul Firdowso.
AUN Amb. Ciise Dheere ayaa ahaa diblumaas ku dhawaad 50 sanno ku dhexejiray diblamaasiyadda sigaar ah arrimaha carabta, isaga oo dowladdii dhexe noqday safiirkii Soomaaliya u fadhiyey dalka Ciraaq.