Wararka
Masuuliyiin katirsan Galmudug oo kulan ku yeeshay caasimada Galmudig.

Waxaa maanta Magaalada Dhuusamareeb lagu qabtay kulan ay isugu yimaadeen Wasiirka amniga Galmudug, Saraakiisha amaanka Dhusamareeb, Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud, Guddoomiyaha Degmada iyo madax kale ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii loo adkeyn lahaa nabad gelyada Magaalada.
Sidoo kale kulanka intii uu socday waxaa la dhagaystay warbixinno la xeriiro amniga, xoq-waraysiyo ku saabsan nabad gelyada, howlgallada lagu sugayo amniga Caasimadda iyo wayaabaha cusub ee la diiwaan geliyey.
Kulanka ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa si kooban uga hadlay Wasiirka aminaga ee Dowlad Goboleedka Galmudug Shaadaq Sheekh Yuusuf, waxa uuna ka war bixiyay waxyqabihii looga hadlay kulanka.
Wasiirka ayaa sheegay in laysku Afgartay xoojinta sugidda amaanka Caasimada maamulka Galmudug iyo sidii ay iskaashi ku yeelan lahaayeen dhammaan laamaha ammaanka ee Dowlad Goboleedka Galmudug.