Wararka
Masuuliyiin isugu jiro wasiirro iyo xildhibaanno gaaray Baladweyne.

Xildhibaanno iyo Wasiirro ka tirsan xukuumafa federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray Magaalada Baladweyne halkaas oo ay ka jirto xaalada fatahaado iyo dhibaatooyin xagga noolasha ah.
Ujeedka safarka Xildhibaanadaan iyo wasiirada ayaa ahaa sidii ay u indha-indhayn lahayeen dhibaatada uu gaystay fatahaada wabiga shabelle iyo sidii wax loogu qaban lahaa dadka tabaalaysan.
Wasiirka wasaradda waxbarashada xukuumada federaalka Soomaaliya Cabdullahi Godax Barre oo kamid ahaa masuuliyiinta maanta gaartay Magaalada Baladweyne ayaa ka warbixiyay socdaalkooda.
“Waxaan maanta soo gaarnay Magaalada Baladweyne aniga iyo Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya. Ujeedka Safarkeena ayaa ahaa sidaan Dhibka ula qeybsan laheyn bulshada Gobalka Hiiraan, oo ay ugu horeyso sidaan wax ugu qaban laheyn dhibaatada fatahaada wabiga shabelle ee ku soo laalaabatay Gobalka Hiiraan in aysan markala dhicin”. Ayuu yiri wasiir Godax Barre.