Wararka
Masuliyiin Booqday xeebta Garacad ee Puntland.

Gudoomiyaha gobalka Mudug, Cabdiladiif Muuse Nuur iyo Taliyaha qaybta booliiska gobalka Mudug, Muumin Cabdi Shire ayaa gaaray deegaan xeebeedka Garacad.
Gudoomiyaha iyo Taliyaha ayaa la kulmay qaybaha bulshadda, iyaga oo sidoo kale booqday saldhigga deegaanka iyo dhismaha dekadda oo meel wanaagsan maraya.
Ciidamo tira badan ayaa la geeyay degmada Jariiban iyo deegaan xeebeedka Garacad, si ay u fuliyaan awaamiirta dhawaan ay soo saareen dadka deegaanka ee la xiriirta dhulka.