Wararka

Mashruuc lagu maalgalinayo qaar ka mid ah Dhalinyarada iyo Haweenka Jubbaland oo ka dhacay kismaayo.

Mashruuc lagu maalgalinayo qaar ka mid ah Dhalinyarada iyo Haweenka Jubbaland ayaa waxaa ka soo qayb galay madax ka kala socotey Wasaaradaha Ganacsiga,Haweenka,Qorsheynta iyo Dhalinyarada iyo Ciyaaraha.

Waxaa Furitaanka Mashruucan goob jog ka ahaa Maamulka Gobolka Jubbada Hoose iyo kan degmada Kismaayo iyadoo si gaar ah maalgalin loogu sameynayay dadka ku dhaqan xaafadda Midnimo oo ay daganyihiin dadka ka soo laabtey xeryaha Qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya.

Hay,adda SOLO oo ka mid ah hey’adaha ka howl gala deegaanada Jubbaland ayaa taageertay Mashruucaan waxaana fulinaya Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha dowlad goboleedka Jubbaland.

Agaasimaha arrimaha Bulashada gobolka Jubbada Hoose Jaamac Cabdullaahi Ugaas ayaa sheegay in Barnaamijkaani uu fursad u yahay dhalinyarada islamarkaana maal galisay  ka hor istaagayo in si qaldan loo adeegsado dhalinyarada.

Mashruucaan ayaa hadii uu hirgalo Fursad u noqon doona dhalinyarada iyo haweenka danyarta ah ee ku nool Kismaayo kuwaas oo aan badankood heysan shaqooyin ay ku maareeyaan nolashooda.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close