Wararka
Maryakan-ka oo Soomaaliya u balan qaaday in ay gacan ka siin doonaan xakamaynta COVID-19.

Wasiirka Caafimaadka, Dr. Fawziya Abikar Nur ayaa maanta kulan toos ah oo qadka internet-ka la qaadatay Safiirka Maraykan-ka u fadhiya Soomaaliya, H.E. Donald Y. Yamamoto & madaxda Hay’adda Maraynkan-ka u qaabilsan Dhanka Horumarka (USAID).
Wasiirka ayaa Dowladda Maraykan-ka uga mahadcelisay dadaalada ay ka wadaan Soomaaliya ee ku aadan COVID-19, sidoo kalena kala hadashay sidii ay gacan buuxda uga geysan lahaayeen gurmadka wax looga qabanayo cudurka COVID-19.
Dowladda Maryakan-ka ayaa balan qaaday in ay Soomaaliya ka caawin doonaan xakamaynta iyo xal u helidda cudurka COVID-19.