Wararka
Maraykanka oo diyaarinaayo in uu cunaqabateentii saarneed Iiran ka qaado.

Dowlada Maraykanka ayaa doonayso in dhamaan xayiraadii saarneed Iiran ay ka qaaddo taas oo ay ku doorsanayso wadahadallo dhexmaro xukuumadaha Tehran iyo Washington.
Madaxweynaha Iiran Hassan Rouhani oo dalka Maraykanka ugu qayb galay shirka Golaha Qaramada Midoobe ayaa manta oo jimco ah ka hadlay go’aankaa cusub ee xukuumada madaxweyne Trump ku dhaqaaqday ayaa soo dhaweeyay waxaa uuna sheegay in dhamaan hogaamiyaasha Jarmalka, Ingiriiska, iyo faransiiska ay rabaan in xayiraadda laga qaado Iiran.
Dowladaha Iiran iyo Maraykanka ayaan wax xariir wanaagsan laheen muddooyinkii ugu danbeeyay iyagoo dhanba dhanka kale ku eedeeynaayay in uu garab siiyo waxa loogu yeera Argagixisada, waxaa ay sidoo kale isku hayeen dalka Yeman oo Iiran la sheego in ay saanad military iyo mid ciidanba siiso kooxda Xutiyinta ee la dagaalanta dowlada caalamka aqoonsanyahay.