Wararka
Mamulka konfur-galbeed oo manhajka cusub ee waxbarashada dalka garsiiyay dagmada Baraawe.

Wasaaradda Waxbarashada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta buugagta manhajka Qaranka gaarsiisey Degmada Baraawe ee caasimada Koonfur Galbeed.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Konfur Galbeed Soomaaliya Ambassador Cali Saciid Fiqi iyo wasiirka waxbarashada maamulka Konfur Galbeed Soomaaliya Maxamed xassan yusuf ayaa si wada jir ah buugagta Manhajka Qaranka ugu wareejiyay Gugsiyada ku yalla Degmada Baraawe.
wasiirka waxbarashada maamulka Konfur Galbeed Soomaaliya Maxamed xassan yusuf ayaa ugu horeyn faahfaahiyay bugagta ay ku wareejiyeen Iskoolada maamulkaasi. Dhankiisa Guddoomiyaha Baarlamaanka Konfur Galbeed Soomaaliya Ambassador Cali Saciid Fiqi ayaa wasaaradda waxbarashada KGS kula dar daarmay kor u qaadista aqoonta ardayda maamulkaasi.