Wararka

Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo sheegay in muhiim ay tahay in si wadajir ah looga gaashaanto abaaraha iyo fatahaadaha.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta Muqdisho ka furay shirka Dardar-gelinta iyo fulinta qorshaha dib-u-soo kabashada iyo u adkaysiga Aafooyinka.

Kullanka waxaa kasoo qayb galay beesha caalamka iyo mas’uuliyiin ka socday wadamada saaxiibada la ah dowladda ee ka taageera mashaariicda horumarineed iyo bini’aadninimo.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka ayaa xusay in abaaaraha soo noq noqday iyo fatahaadaha ka dhasha roobabku ay dhibaata badan ku hayaan dhaqaalaha bulshada ayna abuuraan barakacyaal cusub, waxaa uuna ku baaqay in si dhaqsa ah loo dhaqan geliyo qorshahaan dib-u-soo kabashada iyo u adkaysiga Aafooyinka.

Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa intaa ku daray in muhiim ay tahay in si wadajir ah looga gaashaanto dhibaatooyinka ka dhasha abaaraha iyo fatahaadaha si wanaagsanna loo maamulo biyaha roobabka.

Qorshahaan waxaa soo diyaarisay wasaaradda qorsheynta, horumarinta dhaqaalaha iyo maalgashiga xukuumada federaalka Soomaaliya waxaa uuna saldhig u noqnaya hanaanka lagu maareynayo dhibaatoooyinka.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close